University Landscaping Design and Plan

Xubno engineer-ro ah oo ka socday Shirkadda Nidaam Construction, guddida jaamacadda iyo Duqa iyo Ku Xigeenka Duqa ee degmooyinka Berbera iyo Sheekh ayaa booqday xarunta jaamacadda. Booqashadani waxa ay la xidhiidhay dhammaystirka naqshadda gudaha ee jaamacadda oo in muddo ahba ay hawsheedu socotay. Waxa si qoto dheer la isula falanqeeyey sida ay isula fal gelayaan naqshadda ay engineer-radu soo sameeyeen iyo qaabka uu dhulka jaamacaddu u kala sarreeyo amma u samaysanyahay. Ugu dambayntii waxa la isla afgartay qaabka loo dhigayo naqshadda gudaha jaamacadda iyo meelaha wax laga beddalayo.

A team of engineers from Nidaam Construction Company, representatives of the University Committee, and the Mayor and Deputy Mayor of Berbera and Sheekh districts visited the university campus.

The visit focused on finalising the campus landscaping and design plan, which has been under development for some time.

During the visit, the team held detailed discussions on how to align the proposed design with the campus’s existing topography, taking into account variations in ground levels and the natural layout of the site.

The visit concluded with a consensus on the proposed landscaping design, including the adjustments required to ensure that the final plan is well suited to the site’s terrain and the university’s needs.