Qaadhaanka Shirkadaha MSG Group ee Dhismaha Jaamacadda Sheekh
Shirkadaha MSG Group ee uu aasaasay Maxamed Aw-Siciid ayaa qaadhaan lacageed oo dhan $200,000 ugu deeqay dhismaha Jaamacadda Sheekh ee Saynisyada Dabiiciga ah iyo Tiknoolajiyadda (Sheikh University of Natural Sciences and Technology). Qaadhaankan waxa lagu dhisi doonaa dhisme laba dabaq ah oo fasallo ah, dhismahaas oo loogu magac dari doono MSG Group. Guddoomiyaha Guddida Jaamacadda Sheekh Mudane Cismaan Xaashi Yuusuf iyo Duqa Magaalada Berbera Mudane Cabdishakuur Ciddin oo sidoo kale xubin ka ah guddida jaamacadda ayaa qaadhaankan ka guddoomay maamulka sare ee shirkadaha MSG Group, waxa aanay si mug leh ugu mahadceliyeen Maxamed Aw-Siciid iyo guud ahaan maamulka sare ee MSG Group. Deeqdani waxa ay kaalin weyn ka gaysan doontaa geeddi socodka dhismaha jaamacadda oo hadda meel fiican maraya.

